MUQDISHO — Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) iyo Booliiska Soomaaliyeed ayaa howlgal wadajir ah ku qabtay nin looga shakisan yahay inuu qorsheynayay fal amni-darro oo ka dhaca xaafadda KPP ee degmada Hodan, magaalada Muqdisho, sida ay sheegtay NISA.
NISA ayaa sheegtay in ninka la qabtay lagu magacaabo Xasan Nuur Muuse, oo sidoo kale loo yaqaan Makane iyo Cali Sabti.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka hay’adda, ciidamada Ilaalada Shacabka ee NISA ayaa dareemay dhaq-dhaqaaqa ninkan xilli uu ku sugnaa xaafadda, kaddib markii looga shakiyey inuu qorsheynayay fal amni-darro ah.
Hay’addu waxay sheegtay in ninku isku dayay inuu baxsado, isaga oo iska tuuray bam-gacmeed uu watay, balse ciidamada ammaanka ay ugu dambeyn gacanta ku dhigeen isaga oo aan wax dhaawac ah qabin.
NISA ma aysan bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan weerarka la tuhunsan yahay ama inay ciidamada ammaanku dib u heleen bam-gacmeedka.
Hay’addu waxay sheegtay in soo qabashada ninkan ay muujinayso feejignaanta ciidamada ammaanka iyo sida ay uga go’an tahay ka hortagga weerarrada ay maleegaan xubnaha looga shakisan yahay Al-Shabaab.
NISA ayaa sidoo kale sheegtay inay sii xoojin doonto howlgallada looga hortagayo weerarrada kooxda, iyadoo mudnaanta la siinayo ilaalinta shacabka iyo sugidda amniga caasimadda.
Al-Shabaab ayaa weerarro kala duwan ka fulisay Muqdisho iyo qaybo kale oo Soomaaliya ka mid ah intii uu socday dagaalka ay kula jirto dowladda federaalka.
Ciidamada ammaanka Soomaaliya ayaa si joogto ah howlgallo uga sameeya caasimadda si ay u fashiliyaan shabakadaha looga shakisan yahay inay xiriir la leeyihiin kooxda, ugana hortagaan weerarrada ka dhanka ah shacabka iyo xarumaha dowladda.
Eedeymaha loo jeediyay ninka la qabtay si madax-bannaan looma xaqiijin.



