Ciidamada ammaanka oo xalay ‘nin hubeysanaa’ ku toogtay Muqdisho

0

Warardheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howl-gal qorsheysan oo xalay ciidamada Booliska Soomaaliyeed ay ka sameeyeen degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir.

Howl-galkan ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lagu dilay nin ku hubeysnaa bambaanooyin iyo qori AK-47 ah, xilli ay ciidamadu howl-gal roonda ah  ka wadeen xaafadda Cali-Turcaaye oo ka tirsan degmadaasi.

Saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka oo howl-galka kadib la hadlay wariyeyaasha ayaa shaaca ka qaaday in ninka la dilay uu damacsanaa inuu weeraro ciidamada dowladda ee waday howl-galka lagu xaqiijinayey amniga, balse laga hortegay, sida ay hadalka u dhigeen.

Sidoo kale saraakiisha ayaa xusay inay sii wadi doonaan howl-gallada iyo baaritaanada ay ka wadaan gudaha magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Habeenadii lasoo dhaafay ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa kordhiyey howl-gallada ka wadaan degmooyinka, Yaaqshiid, Heliwaa iyo Kaaraan oo ka wada tirsan gobolka Banaadir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here