Ciidamada ammaanka oo xalay howlgal ka sameeyey Warta Nabadda

0

MUQDISHO (SMN) – Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Booliska ayaa xalay howlgal qorsheysan ka sameeyey xaafado ka tirsan degmada Warta Nabadda ee gobolka Banaadir.

Howlgalka oo ahaa mid ballaaran ayaa waxaa lagu soo qab-qabtay tiro dad ah oo u badan dhalinyaro.

Taliyaha saldhigga Booliska degmada Warta Nabadda, Cabdullahi Xasan Cali oo horkacayey howlgalka ayaa sheegay in ujeedka uu ahaa ka hortagga kooxaha ciyaal weerada.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay baadi goobayeen kooxaha burcadda ah ee xilliyada habeenkii ah dhaca ka geysta waddoooyinka degmadaasi.

Magaalada Muqdisho oo dhowaan lagu qabtay doorashada Madaxweynaha ayaa waxaa maalmahan ka socday howlgallo lagu xaqiijinayo ammaanka guud ee caasimadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here