Ciidamada ammaanka Puntland oo howl-gal qorsheysan ka fuliyey Gaalkacyo

0

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal ay ciidanka ammaanka Puntland xalay saq-dhexe ka sameeyeen xaafado ka tirsan magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Howlgalka oo ahaa mid qorshaysan ayaa sidoo kale ahaa mid ka dhan ah kooxaha ka ganacsada maan-dooriyaha, gaar ahaan Khamriga ee ku sugan magaaladaasi.

Wararka ayaa sheegaya in howlgalkan lagu beegsaday shabakado ka gacacsada Khamriga, gaar ahaan midka laga keeno gudaha waddanka Itoobiya.

Sidoo kale saraakiisha ammaanka ayaa shaaca ka qaaday inay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah dadka ka ganacsada waxyaabaha maanka dooriya.

Gaalkacyo waxaa muddooyinkii dambe ka socday howlgallo guud oo lagu sagayo amniga, kuwaas oo ay wadeen ciidamada ammaanka ee magaaladaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here