BELEDWEYNE (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in howlgal qorsheysan uu ka dhacay gudaha magaaladaasi, kaas oo ay sameeyeen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan qaybta 27-aad ee ku sugan halkaasi.
Howlgalka ayaa si gaar ah uga dhacay xaafadda Buundoweyn ee magaalada Beledweyne, ayada oo lagu toogtay nin hubeysan oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.
Ninka ayaa waday qaraxyo, sidoo kale wuxuu ku hubeysnaa bistoolad, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay taliska ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.
Taliyaha guutada 5-aad, qaybta 27-aad ee ciidamada Xoogga dalka Maxamuud Xasan Ibraahim (Baakaay) oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay ka hortageen dhagar ay kooxda Al-Shabaab usoo maleegtay reer Hiiraan, gaar ahaan shacabka Beledweyne.
Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ujeedka ninka ay dileen uu ahaa inuu bartimaameedsado goobo ku yaalla magaalada, balse ay ka hortageen. kadib xog ay ka heleen shacabka.
Baakaay ayaa sidoo kale farriin u diray reer Beledweyne, isaga oo ka dalbaday inay kala shaqeeyaan amniga, soona sheegaan wax kasta oo liddi ku ah nabad-gelyada.
Horay waxaa Beledweyne uga dhacay qaraxyo waa weeyn lagu hoobtay, kuwaas oo ay mas’uuliyaddeeda sheegateen xoogaga kooxda Al-Shabaab.
Si kastaba, magaaladan ayaa xudun u ah kacdoonka ka socda ee dalka ee deegaano dhowr looga xoreeyay Al-Shabaab, kadib dagaallo ay ku qaadeen Xoogga dalka iyo Macawiisleyda.