Sawirro: Maxay ka wada-hadleen taliyaha Asluubta iyo guddoomiyaha SoDMA?

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Md Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa maanta xarunta dhexe ee SoDMA waxa uu ku soo dhaweeyey Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyed Gen Mahad Cabdiraxmaan Adam.

 

Guddoomiyaha iyo Taliyaha Asluubta ayaa kawada hadlay in gargaarka SoDMA bixiso la soo gaarsiiyo Maxaabiista ku xeran Xabsiyada dalka oo ay ugu horeyaan kuwa ku jira Xabsiga Dhexe ee Muqdisho, in ay yeeshaan wada shaqayn dhaw, sidoo kale Taliyaha Ciidanka Asluubta ayaa waxa uu kormeray xafiisyada kala duwan ee xarunta SoDMA.

Kulankaan waxaa qayb ka ahaa Saraakiil sar sare oo ka tirsan Ciidanka Asluubta iyo Masuuliyiin SoDMA ka tirsan oo iskugu jira Agaasimayaal iyo Lataliyayaal sare.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here