MUQDISHO (SMN) – Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Booliska ayaa xalay gacanta ku soo dhigay maandooriye lasoo gelinayay gudaha caasimada, kaas oo lagu waday jawaano loo soo ekeysiiyay kuwa dhuxusha lagu qaado.
Qoraal kasoo baxay taliska booliska gobolka Banaadir ayaa waxaa lagu sheegay in sidoo kale ay ciidamadu qabteen raggii waday maandooriyaha oo ahaa Xashiis.
Sidoo kale wuxuu boolisku intaasi ku daray in eedeysanayaasha la horgeyn doono maxkamad, si looga qaado tallaabo adag oo sharciga waafaqsan.
“Caawa oo Taariiqdu tahay 04/06/2023 abaaro 08:45 PM ayaa ciidanka boliiska saldhiga kaaraan iyo ciidanka polis milataariyo ay gacanta ku soo soodhigeen maandooriye xashiish ah iyo eedeysanayaashii waday waxaana la waafujin doonaa cadaalada” ayuu yiri talisku.
Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ka socday howlgallo lagula dagaalamayo waxyaabaha maankadooriya oo dhibaato ku haya bulshada.