Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo la kulmay dhiggiisa dalka Sacuudiga

0

RIYAAD (SMN) – Guddoomiyaha Golaha shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe ayaa maanta magaalada Riyaad ee dalka Boqortooyadda Sucuudi Carabiya kula kulmay dhigiisa dalkaas Mudane Dr. Cabdullahi binu Maxamed bin Ibraahim Aala Sheekh.

 

Gudoomiye Sheekh Aadan Madoobe iyo dhigiisa dalka Sucuudiga ayaa kawada hadlay xiriirka labada Baarlamaan ee Soomaaliya & Sacuudiga, iskaashiga iyo xiriirka soo jireenka ah ee labada Wadan. Waxaa sidoo kale qayb ka ahaa kulanka  Ku-xigeenka Golaha Shuurada iyo Xildhibaanno katirsan labada Baarlamaan.

Gunnaanadka kulanka ayaa labada Guddoomiye isku af garteen in laga shaqeeyo lana xoojiyo xiriirka labada Baarlamaan, waxaana lagu balamay in la dhiso guddi saaxiibtinimo ah oo ka shaqeeya dhaqan gelinta arrimahan iyo xiriirka labada Baarlamaan ee Sucuudiga iyo Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here