Ciidamada amniga Soomaaliya oo xabsiga u taxaabay Guddoomiyaha Xisbi Mucaarad ah

0

MUQDISHO, Soomaaliya [SMN] – Ciidamada amniga dowladda Federaalka Soomaaliya oo xabsiga u taxaabay Guddoomiyaha Xisbi Mucaarad ah.

 

Ciidamada amniga Soomaaliya ayaa xalay xabsiga u taxaabay Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee People’s Party, Abdirahman Saleban, iyadoo lagu eedeeyay “dembi ka dhan ah nidaamka amniga.”

Eedeymahan ayaa yimid ka dib markii uu si adag u dhaliilay dowladda iyo markii uu sheegay in wasiirkii difaaca ee xilka laga qaadey C/qaadir Maxamed Nuur uu diiday in uu xafiiska ku wareejiyo wasiirka cusub.

Dhanka kale, xisbiyada mucaaradka — Himilo Qaran iyo Wadajir — iyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Farmaajo, ayaa si adag u cambaareeyay xarigga Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka, iyagoo ku tilmaamay “afduub” ayna dalbadeen in lasii daayo si deg-degga ah.

ImageImageImage

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here