MUQDISHO, Soomaaliya [SMN] – Ciidamada amniga dowladda Federaalka Soomaaliya oo xabsiga u taxaabay Guddoomiyaha Xisbi Mucaarad ah.
Ciidamada amniga Soomaaliya ayaa xalay xabsiga u taxaabay Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee People’s Party, Abdirahman Saleban, iyadoo lagu eedeeyay “dembi ka dhan ah nidaamka amniga.”
Eedeymahan ayaa yimid ka dib markii uu si adag u dhaliilay dowladda iyo markii uu sheegay in wasiirkii difaaca ee xilka laga qaadey C/qaadir Maxamed Nuur uu diiday in uu xafiiska ku wareejiyo wasiirka cusub.
Dhanka kale, xisbiyada mucaaradka — Himilo Qaran iyo Wadajir — iyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Farmaajo, ayaa si adag u cambaareeyay xarigga Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka, iyagoo ku tilmaamay “afduub” ayna dalbadeen in lasii daayo si deg-degga ah.



![Nabadoonka Beesha Aadan Warsame ee Xawaadle oo lagu doortay Muqdisho [Sawirro]](https://shabellemedia.com/wp-content/uploads/2026/07/yaab-150x150.png)
