Ciidanka Hindiya oo gacanta ku dhigay burcad badeeddii haysatay markabka Ruen

0

MUQDISHO (SMN) – Ciidanka badda Hindiya ee ku sugan xeebaha Soomaaliya ayaa soo badbaadiyey 17 shaqaale ah oo saarnaa markabka MV Ruen oo muddo saddex bilood ah gacanta ugu jiray burcad baddeeda Soomaaliya, sida ay baahiyeen ciidaamadda badda ee Hindiya.

 

Howlgal qaatay in ka badan 40 saacood oo gacan ka hadal ah ayaa waxaa fuliyey Markabka dagaalka ee INSSubhadra oo ay caawinayaan diyaaradaha qumaatiga u kaca iyo kuwa ilaalada ee aan duuliyaha lahayn, sida ay bartooda X ee hore loo oron jiray Twiter ku sheegeen ciidamada badda Hindiya.

Tirada burcad baddeeda ay ciidamada Hindiya ku qabteen howlgalkaas ayay ku sheegeen in ay dhan tahay 35 nin.

Xilliga howlgalku dhacayey markabka ayaa ku sugnaa masaafo 1400 Nautical Miles u jirta xeebta badweynta Hindiya.

Si kastaba, Markabkaan oo lagu magacaabo MV Ruen, ayaa laga leeyahay dalka Bulgaariya, balse ku gooshayey calanka dalka Malta, kaas oo burcad baddeed Soomaali ah ka soo afduubeen biyaha caalamiga ah dhammaadkii sanadkii 2023-kii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here