Ciidamada Booliska Soomaaliya oo howlgal ka sameeyey degmada Wadajir

0

MUQDISHO (SMN) – Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Booliska ayaa xalay howlgal ka sameeyey qaybo ka mid ah degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Howlgalka ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa lagu soo qabtay dhalinyaro ka tirsan kooxaha ciyaal weerada, sida ay shaaciyeen saraakiisha laamaha ammaanka Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa howlgalka ka warbixiyey guddoomiyaha degmada Wadajir, Bashiir Maxamed Cali oo sheegay ujeedka uu ahaa amni xaqiijin.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale ugu baaqay dadka shacabka ah inay qaataan kaalintooda, isla-markaana ay la shaqeeyaan ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

Muddooyinkii lasoo dhaafay ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa xoojiyey howlgallada lagu sugayo amniga ee ka socda magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here