Ciidamada Danab oo howlgal ku qabtay xubno ka tirsan Al-Shabaab

0

AFGOOYE (SMN) – Wararka naga soo gaaraya Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay ciidamada Danab ay howlgallo ka fuliyeen deegaanada Tooratoorow iyo Caliyow Baarow ee gobolkaasi.

Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa lagu soo qabtay illaa lix xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab, sida ay shaaciyeen saraakiisha Danab ee ciidanka Xoogga dalka.

Sidoo kale saraakiisha ayaa tilmaamay inay burburiyeen xarumo ay Al-Shabaab ku lahaayeen deegaanadaasi, isla-markaana ay lacago ku qaadi jireen.

Xaaladda ayaa haatan deggan, waxaana lagu soo warramayaa in ciidamada Danab ay dib ugu laabteen saldhigooda ku yaalla garoonka Balidoogle ee gobolka Shabeelaha Hoose.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here