Ciidamada DF Soomaaliya oo xalay howl-gal culus ka fuliyey magaalada Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howl-gal qorsheysan oo xalay ciidamada ammaanka Soomaaliya ay ka fuliyeen qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho, kaas oo lagu beegsaday xubno ka tirsan Xarakada Al-Shabaab.

Qoraal kasoo baxay NISA ayaa waxaa lagu sheegay in howl-galkaas oo ahaa mid culus lagu khaarijiyey 12 ka tirsanaa Al-Shabaab.

NISA ma shaacin goobta rasmiga ah ee uu ka dhacay howl-galka, marka laga soo tago in Muqdisho gudaheeda laga fuliyey.

“Waa waajib qaran ilaalinta amniga iyo bedbaada umadda Soomaaliyeed,โ€ ayaa lagu yiri war kooban oo kasoo baxay hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka.

Muddooyinkii u dambeeyey ciidamada dowladda ayaa xoojiyey howl-gallada ka socda Muqdisho ee lagu sugayo amniga Caasimadda oo ay doorashooyin ka billowdeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here