Ciidamada DF Soomaaliya oo xalay howl-gal culus ka fuliyey magaalada Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howl-gal qorsheysan oo xalay ciidamada ammaanka Soomaaliya ay ka fuliyeen qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho, kaas oo lagu beegsaday xubno ka tirsan Xarakada Al-Shabaab.

Qoraal kasoo baxay NISA ayaa waxaa lagu sheegay in howl-galkaas oo ahaa mid culus lagu khaarijiyey 12 ka tirsanaa Al-Shabaab.

NISA ma shaacin goobta rasmiga ah ee uu ka dhacay howl-galka, marka laga soo tago in Muqdisho gudaheeda laga fuliyey.

“Waa waajib qaran ilaalinta amniga iyo bedbaada umadda Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri war kooban oo kasoo baxay hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka.

Muddooyinkii u dambeeyey ciidamada dowladda ayaa xoojiyey howl-gallada ka socda Muqdisho ee lagu sugayo amniga Caasimadda oo ay doorashooyin ka billowdeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here