Ciidamada DF oo howlgal ku dilay xubno ka tirsanaa Al-Shabaab + Sawirro

0

CEELDHEER (SMN) – Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in ciidamada dowladda ay maanta howlgal culus ka fuliyeen deegaanka Cali Yabaal oo hoostaga degmada Ceeldheer ee gobolkaasi.

 

Howlgalkan ayaa waxaa si gaar ah loogu beegsaday xubno ka tirsan Al-Shabaab oo isku uruursanayay halkaasi.

Qoraal kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalkan lagu dilay saraakiil iyo xubno ka tirsanaa Al-Shabaab.

Warsaxafadeedka ayaa u qornaa sidatan:-

Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaya Saxiibada Caalamka Ayaa howlgal Ka sameeyey Deegaanka Cali Yabaal oo hoostaga Degmada Ceeldheer iyo deegaano kale oo ka tirsan à Gobolka Galgaduud.

Ciidanka Kumaandooska Ayaa Heley Xogta in Khawaariijta ay isku aruursanayaan Deegaanadaas Howlgalka ayaana lagu laayey horjoogayaal iyo maleeshiyaad.

Degaanada howlgalku ka dhacay ayaa ciidanku la wareegay waxaana la burburiyey saldhigyadii Khawaarijta.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here