Ciidamada DF Somalia oo deegaano horleh kala wareegay Al-Shabaab

0

MUQDISHO (SMN) -Ciidamada Kumaandooska ee xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Gorgor, gaar ahaan Ururka 8 aad ee guutada 18 aad ayaa howlgal ka dhan ah dagaalyahanada Al-Shabaab ka sameeyay Tuulooyin hoostaga deegaanka Ceelgaal ee Gobolka Hiiraan.

Taliyaha Guutada 18aad ee Ciidanka Kumaandooska Gorgor Gaashaanle Bashiir Cabdullaahi Cumar ayaa sheegay in Al-Shabaab laga saaray tuulooyin dhowr ah oo hoostaga gobolkaas.

Gaashaanle Bashiir waxa uu sheegay in ciidamada Kumaandooska Xoogga dalka ee Gorgor aya sii laba jibaari doonaan howlgalada ka dhanka Al-Shabaab, tan iyo inta laga saarayo deegaannada ay kaga sugan yihiin gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Muddooyinkii lasoo dhaafay ciidamada dowladda iyo kuwa ATMIS ayaa sare u qaaday dhaq-dhaqaaqyada ay ka wadaan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here