Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Galmudug oo dib u qabsaday Camaara

0

Ciidamada dawladda Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedka Galmudug ayaa dib u qabsaday duhurnimadii maanta magaalada Camaara ee Gobolka Mudug, halkaasi oo muddo kooban ay saaka gudaha u galeen xoogag ka tirsana Xarakada Al-Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in haatan ciidamada dowladda ay si buuxda gacanta ugu hayaan deegaanka Camaara oo dhaca koonfurta gobolka Mudug.

Warbaahinta dawladda Soomaaliya ayaa sidoo kale tebisay in duqayn cirka ah lala beegsaday dagaalyahanada Al-Shabaab, nawaaxiga Camaara saaka.

Ilaa hadda dawladda Maraykanka oo gaysata inta badan duqaymaha ka dhanka ah Al-Shabaab ma aysan xaqiijin duqayntaasi iyo inuu khasaare ka dhashay.

Dhinaca kale wasiirka Warfaafinta ee Galmudug Axmed Shire Falagle ayaa isaguna sheegay in dhinca cirka laga duqeeyey Al-Shabaab, waxaana uu beeniyey in ciidamda dawladda markii hore laga qabsaday Camaara.

Al-Shabaab ayaa saaka weerar ku bilowday qarax ismiidaamin ahaa ku qaadday Camaara, waxaana xigay dagaal toos ah oo geystay khasaare isugu jiro dhimasho & dhaawac.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here