Ciidamada dowladda oo howlgal culus ka fuliyay duleedka Baydhabo + Khasaaraha

0

BAYDHABO (SMM) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya howlgal culus oo ay xalay ciidamada dowladda Soomaaliya ka fuliyeen duleedka magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

 

Howlgalka oo ah mid qorsheysan ayaa waxaa lagu beegsaday xubno ka tirsan Al-Shabaab, wuxuuna si gaar ah uga dhacay deegaanka Jameeco ee gobolka Baay.

Dowladda federaalka Soomaaliya oo ka hadashay howlgalkan waxa ay shaacisay inay ku dishay ugu yaraan illaa 15 ka tirsanaa Al-Shabaab oo ku sugnaa gudaha deegaankaas.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay in ciidamada ay burburiyeen jiggooyooyin iyo xarun ay Al-Shabaab ku lahaayeen halkaasi.

Waa howlgalkii labaad oo muddo 24 saac ah ka dhacaya wadada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo gaar ahaan inta u dhaxaysa Leego iyo Buurhakaba, halkaas oo maalmihii la soo dhaafay ay soo buux dhaafiyeen Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here