Ciidamada dowladda oo howlgallo ka sameeyey gobolka Jubbada Hoose

0

KISMAAYO (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa daraawiishta Jubbaland ay howlgallo ka sameeyeen qaybo ka mid ah gobolkaasi.

Howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxaa lagu beegsaday goobo ay ku sugnaayeen xoogaga Al-Shabaab oo ku yaalla Waraha Buur Qaylo.

Saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka ayaa shaaciyey in howlgalladan lagu dilay ugu yaraan 4 xubnood, laguna dhaawacay 6 kale oo ka tirsanaa Al-Shabaab.

Sidoo kale waxay saraakiishu intaasi ku dareen inay sii wadi doonaan dhaq-dhaqaaqyada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda halkaasi.

Gobollada Jubbooyinka ee koonfurta Soomaaliya ayaa ka mid ah meelaha ay sida aadka ah ugu xoogan yihiin dagaalyahanada Xarakada Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here