Ciidamada dowladda oo howlgallo qorsheysan ka sameeyay Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgallo qorsheysan oo xalay ciidamada ammaanka dowladda Soomaaliya ay ka sameeyeen gudaha magaalada Muqdisho.

Howlgallada ayaa waxaa si gaar ah looga fuliyay xaafadda Suuqa Xoolaha ee degmada Heliwaa iyo deegaanka Daarusalaam ee duleedka magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada ammaanka ay gudaha u galeen guryo bartilmaameed u ahaa oo ku yaalla xaafadahaasi.

Saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka ayaa Idaacadda Shabelle u xaqiijiyay in howlgalladaasi lagu soo qabtay 4 nin oo lagu tuhmayo kamid ahaanshaha Al-Shabaab.

Maalmihii u dambeeyay ciidamada dowladda ayaa kordhiyay howlgallada lagu sugayo amniga ee ka socda magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here