Ciidamada dowladda oo howlgallo ka sameeyay duleedka Dhuusamareeb

0

DHUUSAMAREEB (SMN) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgallo qorsheysan oo ay maanta ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay ka sameeyeen duleedka magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad goboleedka Galmudug.

 

Howlgalladan ayaa waxaa lagu beegsaday goobo ay ku sugnaayeen xubnaha Al-Shabaab, ayada oo ciidamadu ay ku guulaysteen inay la wareegaan deegaanadaasi.

Saraakiil ka tirsan kuwa hoggaaminayay howlgalka oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyay dhaq-dhaqaaqyadaas, waxayna sheegeen inay ku gaareen deegaanka Liibaan Galle oo qiyaastii 70 kiilo mitir dhinaca bari uga began magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

Sidoo kale saraakiisha ayaa intaasi kusii daray inay si wadi doonaan howlgallada lagu beegsanayo Al-Shabaab ee ka socda bariga magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug.

Gobollada Dhexe ayaa weli ka socda howlgallo culus oo ay iska kaashanayaan ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa dadka deeganaka, kuwaas oo dhul ballaaran looga qabsaday Al-Shabaab, waxaana haatan soconata diyaar garowga wajiga labaad ee howlgalladaas oo la doonayo in kooxda looga saaro deegaanada Galmudug, kadibna waxaan loo weecaan maamullada Koonfur iyo Jubbaland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here