Ciidamada dowladda oo soo afjaray weerarkii xerada Xalane

0

MUQDISHO (SMN) – Ciidamada Haramcad ayaa soo afjaray weerar saacado kahor lagu qaaday qeybo kamid ah garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, dhanka Mariina Gate.

Wararka naga soo gaaray gudaha Xalane ayaa sheegaya in duulimaadyada gudaha iyo dibadda ee garoonka Aadan Cadde ay dib u billowdeen.

Sidoo kale dagaalyahanadii weerarka qaaday aya lasoo sheegayaa in mid kamid ah la qabtay, uuna sheegay in dableyda Xalane gashay ay ka koobnaayen illaa shan ruux.

Xaaladda ayaa haatan deggan, waxaana dowladda Soomaaliya ay shaacisay inay si caadi ah u socdaan shaqooyinkii ka socday xerada Xalane oo ay dagan yihiin ciidanka AMISOM.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here