Ciidamada Gorgor oo howlgallo ballaaran ka sameeyey gobolka Hiiraan

0

BELEDWEYNE (SMN) – Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa Saacadihii la soo dhaafay howlgalo qorsheysan ka fuliyay degaanno katirsan gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Ciidanka ururka Sadaxaad ee kumaandooska Gorgor ee guutada 17 aad Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanayo ciidanka Daraawiishta Galmudug ayaa howlgalka ka sameeyay Tuulooyin hoostaga degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan oo kala ah Shiino Qarxis, Labi Ceebeed, Xoodaale, Geel ku dhal iyo Bacaha.

Taliyaha ururka sadaxaad Kumaandooska Gorgor dhamme Jamaal Cilmi Aadan ayaa sheegay in ujeedka howlgalkaan uu yahay sidii Al Shabaab looga saari lahaa halkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here