MUQDISHO (SMN) – Ciidamada ammaanka Soomaaliya, gaar ahaan kuwa booliska ayaa kordhiyay howlgallada culus ay ka wadaan magaalada Muqdisho iyo duleedkeeda, kuwaas oo lagu xaqiijinayo amniga guud ee caasimadda.
Howlgalladan oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxaa si gaar ah u sameeyay ciidamada Haramcad ee Booliska Soomaaliyeed, kuwaas oo isku fidiyay duleedka Muqdisho, illaa degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.
Saraakiisha howlgalka horkaceysay ayaa shaaca ka qaaday in howlgalkan ay ku beegsadeen xubno ka tirsan Al-Shabaab, welina ay wadaan, sida ay hadalka u dhigeen.
Maalmo kahor ayay ahayd markii qarax ismiidaamin ah oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa uu ka dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho.