Xilliga ay dhaceyso doorashada guud ee hoggaanka Puntland oo la shaaciyay

0

GAROOWE (SMN) – Guddiga Doorashooyinka Puntland oo cuskanaya qaar ka mid ah qodobada dastuurka maamulkaas ayaa soo saaray go’aamo la xiriira doorashada Puntland oo bilihii la soo dhaafay ka taagnaa khilaaf u dhaxeeya xukuumadda madaxweyne Deni iyo rag mucaarad ah.

 

Guddiga oo soo saaray jadwalka doorashada ayaa sheegay in doorashada waqtigeeda laga dhigay 25-ka bisha labaad ee sanadka soo socda, taasoo ka dhigan in doorashadii dhici lahayd siddeeda January 2024 meesha laga saaray.

Dhanka kale, illaa iyo hadda mucaaradka kama hadlin go’aanka Guddiga Doorashada iyadoo ay jiraan warar sheegaya in hadda mucaaradku ay galeen shir deg-deg oo ay kaga hadlayaan arrintan.

Halkan hoose ka akhriso:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here