Ciidamada daraawiishta Jubbaland oo dib ula wareegay deegaanka Girileey

0

CEELWAAQ (SMN) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya howlgal culus oo ciidamada daraawiishta maamulka Jubbaland ay xalay ku qaadeen deegaanka Girileey ee gobolka Gedo.

 

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa innoo sheegay in dagaal qaraar uu ka dhacay halkaasi, kaas oo dhex maray ciidanka Jubbaland iyo Al-Shabaaab oo shalay la wareegay deegaankaas oo kamid ah saldhigyadii ay dhawaan wareejiyeen ciidamada ATMIS, gaar ahaan kuwa Kenya ee ka howlgala Jubbaland.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in ciidamada daraawiishta Jubbaland ay u suuragashay inay dib ula wareegaan gacan ku heynta deegaankaasi oo ah mid istaraatiiji ah.

Saraakiisha howlgalka horkaceysay ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in dagaalka ay khasaare culus ku gaarsiiyeen xubnaha Al-Shabaab, ayna sii wadi doonaan howlgalka.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa qaybo kamid ah gobolka Gedo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here