Ciidamada Jubbaland oo howlgallo culus ka wada duleedka magaalada Kismaayo

0

KISMAAYO (SMN) – Ciidamada daraawiishta Jubbaland ayaa maanta howlgallo culus ka wada duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

 

Howlgalladan ayaa daba socda dagaal ay shalay ciidamada Jubbaland Al-Shabaab kula galeen deegaanka Buulo Xaaji ee gobolka Jubbada Hoose, kaas oo gaystay khasaare kala duwan.

Ciidamada ayaa howlgallada ay wadaab isugu jiro mid ay ka fulinayaan dhulka howdka ah, mid gaadiidka lagu baarayo iyo howlgallo miino baaris ah oo laga sameeynayo waddooyinka soo gala magaalada Kismaayo.

Ujeedka ayaa ah sidii looga hortagi lahaa weerarada ay Al-Shabaab ka fuliyaan deegaano hoos yimaada magaaladaas oo xarun KMG u ah maamulka Jubbaland.

Gobollada Jubbooyinka oo ay si aad ah ugu xoogan yihiin xubnaha Al-Shabaab ayaa waxaa ka filayaa inuu dhawaan ka billowda wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here