MUQDISHO (SMN) – Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa gacanta kusoo dhigay xubin ka tirsan Al-Shabaab oo u qaabilsanaa hubinta badqadka gaadiidka ay u adeegsadaan qaraxyada.
Ninkan a oo lagu magacaabo Cabdinaasir Maxamed Xasan (Xaaji) ayaa xubin ka ah Shabakadda Qaraxyada iyo Naftood-haligayaasha Al-Shabaab, isaga oo u qaabilsanaa hubinta iyo sameynta gaadiidka kahor inta aan loo adeegsan Ismiidaaminta, maadaama uu yahay xirfadle Makaanikiiste ah.
Sidoo kale waxa uu ku lug-lahaa cilad bixinta ilaa Sagaal gaari oo loo adeegsadey qaraxayo, kaas oo ugu dambeeyay gaarigii Harrier-ta ahayd ee lagu qarxiyey SYL Hotel, isaga oo deegaanka Ceelasha Biyaha uga soo dhiibay Cabdinaasir Daahir Nuur Jimcaale (Guri ma leedahay) oo xukunsane ah.




![Nabadoonka Beesha Aadan Warsame ee Xawaadle oo lagu doortay Muqdisho [Sawirro]](https://shabellemedia.com/wp-content/uploads/2026/07/yaab-150x150.png)
