Ciidamada ammaanka Puntland oo gacanta ku dhigay hub iyo saanad

0

BOOSAASO (SMN) – Ciidamada ammaanka ee Puntland ayaa maanta gacanta ku dhigay hub fara badan iyo saanad ciidan, kadib howl-gal ay ka sameeyeen Boosaaso.

Hubka ayaa waxaa lagu soo dhex-qariyey gaari iska roge ah oo lagu soo raray ciid, sida ay sheegeen saraakiisha laamaha ammaanka ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed Puntland.

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay inay hayaan xog ku aadan dadka loo waday hubkaasi iyo halka uu ku sii jeeday baabuurka la qabtay.

Boosaaso ayaa waxaa dhowaan ka dhacay dagaal qaraar oo u dhexeeyey Puntland iyo PSF, kaas oo weli xiisaddiisa laga dareemayo gudaha magaaladaas oo xarun u ah gobolka Bari.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here