Ciidamada Puntland oo howl-gal ka fuliyey buuraleyda gobolka Bari

0

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee PSF Puntland, oo is kaashanaya ayaa saacadihii la soo dhaafay hawlgal qorshaysan ka fuliyay buuraleyda Golis ee Gobolka Bari.

Hawlgalkan oo lagu xaqiijinayay Amniga Gobolka ayaa laga sameeyay buuraleyda Il iyo camayra, ceel-unkud, muguc iyo karin-dawaco, sida uu sheegay Telefishinka dowladda Puntland.

Hawlgalka waxa hoggaaminayay Taliyaha ciidamada difaaca ee Silsiladda Golis G/Sare Saciid Nuur Shire, waxaana lagu baadi-goobayay xubno ka tirsan Al-shabaab iyo Daacish oo halkaas ku dhuuntan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here