Ciidamada Puntland oo howl-gallo ka sameeyey Boosaaso + Ujeedka

0

BOOSAASO (SMN) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howl-gal ay xalay ciidamada ammaanka Puntland ka sameeyeen gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, kaas oo lagu xaqiijinayey ammaanka guud ee magaaladaasi.

Howl-galka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa lagu soo qabtay rag burcad ah oo u dhac u geysanayey dadka shacabka ah ee ku dhaqan gudaha magaalada Boosaaso.

Laamaha ammaanka ayaa shaaca ka qaaday in ragga lasoo qabtay ay wax ku dhacayeen Toorey, isla-markaana ay dhaawacyo u geysteen dad shacab ah.

Taliska qeybta Booliska Gobalka Bari ayaa dhankiisa shaaciyey in ragan qabashadooda ay iska kaashadeen shacabka Boosaaso iyo ciidamada Booliska ee ka howl-gala halkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here