Muqdisho – Xilli ay maalmihii u dambeeyay soo baxayeen warar sheegaya in kooxda Daacish ay dhaqdhaqaaqyo ka wadeen qaar ka mid ah deegaannada Gobolka Bari, ayaa waxaa halkaas ka bilowday howlgallo militari oo ballaaran.
Ciidamada Ammaanka ee Maamulka Puntland ayaa qaaday howlgallo culus oo ka dhan ah kooxda, kuwaas oo lagu beegsanayo fariisimaha ay ku leeyihiin deegaannada buuraleyda ah ee gobolka.
Puntland ayaa sheegtay in howlgalladii ugu dambeeyay ay si guul ah kusoo dhamaadeen, ayna ciidamadu gaareen natiijooyin la taaban karo oo ka dhan ah kooxda.
Sidoo kale, Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa ka qeyb qaadanaya taageerada hawlgallada, isagoo fuliyay duqeymo cirka ah oo uu sheegay in lagu dilay xubno ka tirsan kooxda Daacish.
Hawlgaladan wadajirka ah ayaa imaanaya xilli la sheegay in ay kordheen dhaqdhaqaaqyada kooxda ee gobolka Bari, iyadoo ciidamada ammaanka ay wadaan dadaallo lagu xoojinayo sugidda amniga iyo la dagaallanka kooxaha hubeysan.




