Ciidamada SSC-Khaatumo oo howlgallo ka sameeyay magaalada Laascaanood

0

LAASCAANOOD (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Sool ayaa sheegaya in maanta ciidamada deegaanka SSC-Khaatumo ay howlgal amni xaqiijin ah ka sameeyeen gudaha magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, kaas oo ay kusoo qabteen illaa dhowr qof oo ku sugnaa gudaha magaalada.

 

Ciidamada ayaa gacanta ku soo dhigay 4 qof oo ay ku eedeeyeen inay si hoose ula shaqeynayeen Somaliland oo haatan dagaal adag kula jirta reer Laascaanood.

Afarta qof ee lasoo qabtay ayaa lagu soo warramayaa in haatan lagu xiray saldhigga dhexe ee magaalada Laascaanood, halkaas su’aallo dheeraad ah lagu weydiinayo.

“Shaqsiyaadka la qabtay waa 4 nin, waxaana lagu xiray saldhigga dhex ee Laascanood, waxaa lagu edeeyay in ay si hoose ula shaqayn jireen maamulka Somalilnd,’ ayuu yiri sarkaal u hadlay laamaha amniga ee magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray inay sii wadi doonaan howlgallada iyo dhaq-dhaqaaqyada ay ka wadaan gudaha magaaladaais, si loo xaqiijiyo amniga guud.

Maalmo kahor ayay ahayd markii sidaan oo kale ay ciidanka SSC ay soo qabteen laba dumar oo lagu eedeeyay inay xiriir la sameynayeen ciidanka Somaliland, wallow mar dambe la sii daayay.

Xaaladda Laascaanood ayaa haatan ah mid deggan, halkaas oo dhowr bilood ay ku dagaalamayaan labada dhinac. Dagaallada ayaa xoogooda waxa ay ka dhaceen duleedka magaalada, halkaas oo ay weli isku horfadhiyaan ciidanka Somaliland iyo kuwa SSC.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here