Ciidamada SSC oo dagaal kula wareegay xerada Goojacadde iyo Maraaga

0

LAASCAANOOD (SMN) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal saaka bilowday duleeeka bari ee magaalada Laascaanood, kaas oo u dhexeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa dadka deegaanka ee SSC-Khaatuma.

 

Wrarka na soo gaaraya ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamada SSC ay la wareegeen goobo horleh sida, deegaanka Maraaga, oo ah halkii ay muddooyinkan dambe kula dagaalamayeen ciidamada Somaliland.

Maraaga waa bar kantorool oo muhim ah oo ku taala wadada laamiga ah ee isku xirta magaalooyinka Laascaanood iyo Garoowe.

Sidoo kale waxa ay magaalada Laascaanood u jirtay ugu yaraan illaa 8 kiilomitir, halkaas oo ay markii hore gacanta ku heyn jirtay Somaliland.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in weli dagaalka uu sii laba kaclee6a6, isla-markaana ay SSC u suuragashay inay qabsato xerada Goojacadde, halkaas oo ay kusoo bandhigtay maxaabiis iyo gaadiid dagaal.

Khasaare kala duwan oo soo kala gaaray labada dhinac ayaa jira, balse ma cadda inta uu gaarsiisan yahay.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u cakiran, waxaana gurmadyo kala duwan helayo ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC ee ku dagaalamaya bariga magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here