Wasiir Huruuse oo kulan la yeeshay madaxweynaha dalka Koonfur Afrika

0

JOHANNESBURG (SMN) – Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS Mudane Abshir Cumar Jaamac (Huruuse) oo Dalka Koonfur Afrika kaga qeybgalay shirka u qabsoomay dalalka ku bohoobay ururka BRICS ayaa sheegay in uu la kulmay madax sare oo uu kamid ahaa Madaxweynaha  dalkaasi Cyril Ramaphosa iyo kuwo kale.

 

Wasiirka ayaa xusay in intii uu socday kulankaasi uu si gooni gooni ah  u arkay qaar ka mid ah madaxda waddamadii shirka ka qayb galay,isagoo kala hadlay iskaashiga iyo wax wada qabsiga u dhaxeeya Soomaaliya iyo dalalkaasi.

Kulanka uu ka qeybgalay Mudane Abshir Cumar Jaamac ayaa xalay lagu soo gabagabeeyay Magaalada Johannesburg ee dalka South Africa,iyadoo 6  dal lagu kordhiyay ururkaasi, halka waddamo badan oo kalena ay codsadeen in ay ku biiraan ururkan.

Waddankeennu wuxuu ka mid ahaa waddamada madaxweynaha koonfur Afrika ahna guddoomiyaha BRICS ee waqtigan uu ku casumay shirkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here