Ciidamada Uganda oo xiray warbaahin madax-bannaan, kadib amar ka soo baxay taliyaha ciidamada

0

Kampala, Uganda – Kooxda ugu weyn warbaahinta madaxa-bannaan ee Uganda, Nation Media Group (NMG), ayaa sheegtay inay ku jirto “go’doomin militari” kadib markii ciidamada Uganda ay xireen qaar ka mid ah xarumaheeda warbaahinta, amar uu bixiyay Taliyaha Ciidamada Dalka, Jeneraal Muhoozi Kainerugaba.

 

Ciidamo hubeysan ayaa Axaddii hareereeyay xarumaha NTV Uganda iyo Spark TV ee magaalada Kampala, waxaana labada telefishin laga saaray hawada. Daawadayaashu waxay halkii baahinta ka arkeen farriin oranaysay, “Muqaal lama heli karo.”

Nation Media Group, oo xarunteedu tahay Kenya, waa shirkadda ugu weyn warbaahinta madaxa-bannaan ee Bariga Afrika, waxaana ay sidoo kale leedahay wargeysyada Daily Monitor iyo The EastAfrican, iyo xarumo kale oo warbaahineed.

Tallaabadan ayaa timid kadib markii Jeneraal Muhoozi Kainerugaba, oo ah wiilka Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni, uu qoraal uu ku daabacay barta X ku sheegay in warbaahintaasi ay si degdeg ah u joojin doonto howlaheeda.

“Anigu ma aaminsani saxaafad xor ah. Saxaafadda waa inay hagaan kacaan-yaqaanno,” ayuu yiri Kainerugaba.

Jeneraalka ayaa sidoo kale sheegay in amarradiisa ay taageersan yihiin Madaxweynaha Uganda, isagoo intaas ku daray in xarumaha warbaahinta aysan dib u furmi doonin ilaa uu isagu fasax ka bixiyo.

Muhoozi Kainerugaba ayaa bilihii la soo dhaafay si joogto ah u soo saaray amarro muran dhaliyay, oo ay ku jiraan kuwa lagu xirayo siyaasiyiin iyo dadka u ololeeya xuquuqda aadanaha.

Madaxweyne Yoweri Museveni, oo 81 jir ah isla markaana dalka soo hoggaaminayay muddo ku dhow 40 sano, ayaa mar kale ku guuleystay doorashadii madaxtinimada ee ugu dambeysay. Si kastaba ha ahaatee, falanqeeyayaal badan ayaa rumeysan in wiilkiisa Muhoozi uu isu diyaarinayo inuu mustaqbalka xilka kala wareego.

Go’aanka lagu xiray warbaahinta ayaa waxaa cambaareeyay Guddiga Ilaalinta Saxafiyiinta (CPJ) iyo hoggaamiyaha mucaaradka Uganda Bobi Wine, kuwaas oo ku tilmaamay weerar lagu qaaday xorriyadda hadalka iyo madaxbannaanida warbaahinta.

Sida ay sheegtay hay’adda Reporters Without Borders (RSF), Uganda waxay kaalinta 143-aad kaga jirtaa 180 dal marka la eego heerka xorriyadda saxaafadda, iyadoo saxafiyiinta dalkaasi ay si joogto ah ula kulmaan caburin, handadaad iyo rabshado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here