Ciidamada Xasilinta Caasimada oo amar culus la siiyay, kahor maalmaha Ciida

0

MUQDISHO (SMN) – Taliyaha guutada 23-aad ee Gungaar, Gaashaanle Aadan Jeelle ayaa saraakiisha ciidanka xasilinta Caasimadda kula dardaarmay in ay daacad u noqdaan u shaqeynta shacabka.

 

Gaashaanle Aadan Jeelle ayaa sheegay in sarkaalka qabta shaqa wanaagsan lagu abaal marin doono dallacsiin, sida ay horay u ballan qaadeen madaxda Qaranka.

Taliyaha Ciidanka xasilinta ee guutada Gungaar ayaa Saraakiisha faray in ay ka dhabeeyaan dhaartii ay mareen, taas oo ah mid u mareen in ay si hufan ugu adeegayaan bulshada ku nool Caasimadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here