Ciidamada Xoogga dalka oo deegaano horleh kala wareegay Al-Shabaab

0

AFGOOYE (SMN) – Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in ciidamada dowladda Soomaaliya ay howl-gal kula wareegeen deegaano ka tirsan gobolkaasi, halkaas oo ay horey ugu sugnaayeen dagaalyahanada Xarakada Al-Shabaab.

Ciidamada ayaa lagu soo warramayaa inay qabsadeen deegaanada kala ah Gambaarey, Dawacaale iyo Geediyaan oo hoostaga gobolka Shabeelaha Hoose.

Sidoo kale ciidamada Xoogga dalka ayaa burburiyey xarumo ay ku lahaayeen deegaanadaasi, sida ay shaaciyeen saraakiisha horkaceysa baaritaanadaasi.

Muddooyinkii lasoo dhaafay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa kordhiyey dhaq-dhaqaaqyada iyo howl-gallada ay ka wadaan gobolka Shabeelaha Hoose.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here