Ciidamada Xoogga dalka oo deegaano horleh kala wareegay Al-Shabaab

0

Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa lagu soo warramayaa inay howl-gallo xoogan ka wada deegaano ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe ee dowlad goboleedka HirShabelle.

Sida uu sheegay afhayeenka Xoogga dalka, Gaashaanle Sare Cali Xaanshi ciidamada ayaa waxa ay gubeen xarumo ay dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab ku lahaayeen gobolkaasi.

Sidoo kale afhayeenka ayaa tilmaamay in ciidamada Xoogga ay ka guuleysteen Al-Shabaab, kana saareen fariisimo muhiim u ahaa oo aay ku lahayeen gobolka Shabeelaha Dhexe.

“Waxay ciidamadu gubeen saldhigyadii iyo xarumihii kooxda Al-shabaab ay ku lahaayeen deegaanada laga saaray sida deegaanka War Ciise iyo deegaano kale” ayuu yiri afhayeenka ciidamada gaashaanle sare Cali Xaanshi.

Muddooyinkii lasoo dhaafay ciidamada huwanta ayaa sare u qaaday howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here