Ciidamada Xoogga dalka oo howl-gal ka sameeyey gobolka Sh/Hoose

0

AFGOOYE (SMN) – Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay ciidamada Xoogga dalka, gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Gorgor ay howl-gal qorsheysan ka sameeyeen qeybo ka mid ah gobolkaasi.

Howl-galka ayaa waxaa si gaar ah looga fuliyey deegaanada Buulo Xaanshi, Ceelsaniini iyo Buulo Cadey oo ka wada-tirsan gobolka Shabeelaha Hoose ee Koonfur Galbeed.

Saraakiisha hoggaamineysa howl-galka ayaa sheegay inay burburiyeen fariisimo ay xoogaga Al-Shabaab ku lahaayeen halkaasi.

Sidoo kale saraakiisha ayaa intaasi kusii daray inay sii wadi doonaan dhaq-dhaqaaqyada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobolka Shabeelaha Hoose.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here