Ciidamada Xoogga dalka oo howl-gallo ka sameeyey gobolka Sh/Dhexe

0

JOWHAR (SMN) – Ciidanka guutada 3-aad, qeybta 27-aad ee xoogga dalka ayaa howl-gallo ka dhan ah Al-Shabaab waxay ka fuliyeen inta u dhaxeysa magaalooyinka Jowhar iyo Balcad ee gobolka Shabeellada Dhexe, gaar ahaa wadada xariirisa labadaas magaallo.

Saraakiisha hoggaamineysa howl-galka ayaa sheegay in wadadaasi ka saareen xubno ka tirsan Al-Shabaab oo inta badan weeraro ka fuliya halkaasi.

Sidoo kale taliska Qeybta 27-aad  ayaa sheegay inay sii wadi doonaan howl-gallada ka dhanka ah  Al-Shabaab ee ka socda gobolka Shabeelaha Dhexe.

Muddooyinkii u dambeeyey ayaa waxaa faraha kasii baxayey ammaanka waddada dheer ee isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here