Ciidamada Xoogga dalka oo ka hortegay weerar qaraxyo ah + khasaaraha

0

GURICEEL (SMN) – Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa saaka howl-gal qorsheysan ka fuliyey duleedka magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud, kaas oo lagu dilay xubno ka tirsan Al-Shabaab oo qorsheynayey weerar qaraxyo ah, sida uu shaaca ka qaaday taliska ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa Galmudug ay weerar ku qaadeen goob ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Al-Shabaab, waxaana halkaasi ka dhacay iska hor imaad u dhexeeyey labada dhinac oo geystay khasaare kala duwan.

Taliyaha ciidamada Xoogga dalka Odowaan Yuusuf Raage oo ka hadlay howl-galkaas ayaa sheegay inay ku dileen illaa 7 xubnood oo uu ku jiro sarkaalkii Al-Shabaab u qaabilsanaa magaalada Guriceel, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ciidamadu ay gacanta ku dhigeen gaari sidday qaraxyo iyo  jaakadaha loo adeegsado qaraxyada oo uu sheegay in loo qorsheeyey in lagu weeraro Guriceel.

Xaaladda ayaa weli aad u kacsan, waxaana ciidamada ay haatan dhaq-dhaqaaqyo ka wadaan deegaanada hoos yimaada magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here