Wararka ka imaanaya gobolka Baay ayaa sheegaya in ciidamada Xoogga dalka ay howl-gal qorsheysan kula wareegeen deegaanka Goofgaduud Shabeeley oo hoostaga gobolkaasi.
Ciidamada milatariga Soomaaliya ayaa weerar ku qaaday deegaankaasi, sida uu sheegay taliyaha qaybta 60-aad ee ciidamada Xoogga dalka Janaraal Maxamed Sheekh Cabdullaahi.
Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in weerarkaas Al-Shabaab looga dilay ilaa 9 dagaallame, isl-amarkaana laga burburiyay saldhig ay ku lahaayeen halkaasi, sida uu hadalka u dhigay.
Xaaladda ayaa weli aad u kacsan, waxaana haatamn dhaq-dhaqaaqyo ciidan laga dareemayaa duleedka magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Koonfur Galbeed.


![Lafta-Gareen oo la kulmay Odayaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed [Sawirro]](https://shabellemedia.com/wp-content/uploads/2026/03/654262526_1519712886386424_7795626822133746026_n-150x150.jpg)

