Ciidamada Xoogga oo la wareegay deegaan hoostaga gobolka Baay

0

Wararka ka imaanaya gobolka Baay ayaa sheegaya in ciidamada Xoogga dalka ay howl-gal qorsheysan kula wareegeen deegaanka Goofgaduud Shabeeley oo hoostaga gobolkaasi.

Ciidamada milatariga Soomaaliya ayaa weerar ku qaaday deegaankaasi, sida uu sheegay taliyaha qaybta 60-aad ee ciidamada Xoogga dalka Janaraal Maxamed Sheekh Cabdullaahi.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in weerarkaas Al-Shabaab looga dilay ilaa 9 dagaallame, isl-amarkaana laga burburiyay saldhig ay ku lahaayeen halkaasi, sida uu hadalka u dhigay.

Xaaladda ayaa weli aad u kacsan, waxaana haatamn dhaq-dhaqaaqyo ciidan laga dareemayaa duleedka magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Koonfur Galbeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here