Ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM oo qarax lagul eegtay Sh/Dhexe + khasaaraha

0

BALCAD (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in xalay kolonyo ka tirsan ciidamada AMISOM qarax lagula eegtay duleedka degmada Balcad ee gobolkaasi.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay haleeshay mid ka mid ah baabuurta ay wateen ciidamada AMISOM.

Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyadda qaraxan ayaa shaacisay inay ku dishay ugu yaraan 6 askari oo ka tirsanaa ciidamada Burundi, sidoo kalena ay ku dhaawacday 3 kale.

Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay AMISOM iyo maamulka degmada Balcad oo ku aadan qaraxaasi.

Inta badan Al-Shabaab ayaa weeraro iyo qaraxyo la beegsata ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM, xilliyada ay isaga kala kooshayaan koonfura iyo bartamaha dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here