Ciidamo ka tirsan kuwa DF oo qarax lagula eegtay duleedka Dhuusamareeb

0

DHUUSAMAREEB (SMN) – Inta la xaqijiyay hal askari oo ka tirsan ciidamada dowladda ayaa dhintay ku dhawaad 10 kalena way dhawacmen kadib markii uu qarax haleelay gaari ay la socdeen, deegaanka Sindhiqo oo 30km u jira magaalada Dhuusamareeb.

Saraakiil ka tirsan NISA ayaa sheegay in qaraxa kadib uu dagaal dhex-maray ciidamada dowladda iyo xoogaga Al-Shabaab.

Dagaalka iyo qaraxa ayaa yimid kadib markii ciidamada dowladda ay deegaano hoostaga Dhuusamareeb ay ka sameeyeen howlgallo kadibna Shabaabka ay qarax u dhigeen.

Wararkii ugu dambeeyey waxay sheegayaan in ciidamada dowladda ay qabsadeen deegaanka Sindhiqo oo ay ka saareen Shabaabkii ku sugnaa.

Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda oo la hadlay VOA waxay sheegteen inay dagaalka ku dileen tobaneeyo Al-Shabaab ka tirsanaa, balse si madax-banaan looma xaqiijin karo.

Dhuusamareeb oo la filayo inay dhowaan ka billaabato doorashada xildhibaanada golaha shacabka ayaa waxaa ku sugan taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Jeneraal Yuusuf Raage iyo taliyaha NISA Yaasiin Farey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here