Ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya oo qarax lala eegtay + khasaaraha

0

DIINSOOR (SMN) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay qarax saacadihii lasoo dhaafay ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya lagula eegtay gobolka Baay.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa ka dhacay duleedka degmada Diinsoor, iyada oo lala beegsaday kolonyo ay la socdeen ciidamada Itoobiya oo qayb ka ah AMISOM.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu haleelay gaari Uuraal ah oo ay isticmaalayeen ciidamada qaraxa lala eegtay, waxaana soo gaaray khasaare kala duwan.

Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, waxa ay shaacisay inay ku dishay ugu yaraan saddex askari oo Itoobiyaan ahaa, halka ay ku dhaawaceen afar kale.

Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay taliska ciidamada Itoobiya iyo maamulka degmada Diinsoor oo ku aadan dhacdadaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here