Ciidamo ka tirsan kuwa Kenya oo qaraxyo lala beegsaday + khasaaraha

0

MUQDISHO (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qaraxyo saacadihii lasoo dhaafay ciidamo ka tirsan kuwa Kenya lagula eegtay gobolka Jubbada Hoose ee koonfurta Soomaaliya.

Qaraxyada oo ahaa labo ayaa waxaa kolonyo ay wateen ciidamada Kenya lagula eegtay deegaanka Kambooni ee gobolkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxyada, kadib ay rasaas fureen ciidamada Kenya, balse ma jirto wax khasaare ah oo ay geysatay, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in qaraxyadan ay ku dhaawacmeen illaa 5 askari oo ka tirsan ciidamada Kenya ee qaybta ka ah AMISOM.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana lagu soo warramayaa inay socdaalkooda sii wateen ciidamada la qarxiyey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here