Ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda oo ku dagaalamay magaalada Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Ciidamo Ka tirsan Dowladda ayaa weeraray guriga Sarkaal ka tirsan Militeriga dalka, kaas oo ku yaala nawaaxiga isgoyska Boondheere.

 

Ciidamada weeraray guriga Sarkaalkan ayaa iska caabin kala kulmay askar ilaalo u ah sarkaalkan, lamana oga sababta ka danbaysa weerarka balse dadka ka agdhoow agagaarkaas ayaa ka argagaxay rasaasta ay isku adeegsanayeen labada dhinac.

Arrintan ayaa imaanaysa xili mudooyinkan baraha bulshadda lagu hadalhayey raashinkii Ciidanka Danab oo la dhacay iyo musuqmaasuq ka dhex jira Ciidanka Xoogga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here